AKHRISO:- Madaxweynayaasha Somalia & Turkiga oo ka wada hadlay Arrimaha COVID19

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogaan ayaa waxaa ay yeesheen wada-hadallo dhinaca Mareegta Internet-ka ah,iyaga oo ka wada hadley Arrimo dhowr ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxweynaha Turkiga uga mahad celiyey Agab Caafimaad oo maalma ka hor dowladda Turkiga soo gaarsiiyey Magaalada Muqdisho,kaas oo loogu talo galay ka hortagga Cudurka Coronavirus.

“Waxaan wada hadalnay Madaxweynaha Turkiya walaalkay Mudane Rajab Dayib Erdogaan, aniga oo uga mahadceliyay hiilka walaaltinnimo iyo agabka caafimaad ee ay sida degdega ah noogu soo direen. Gargaarkan wuxuu kaalin mug leh ka gaysanayaanka hortagga iyo la dagaallanka cudurka COVID19 ayuu yiri” Madaxweyne Farmaajo.

Dowladda Turkiga ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha garab istaaga u muujiya Soomaaliya,waxaana Madaxweyne Erdogaan uu dhawaan Madaxweyne Farmaajo u soo diray farriin uu ku sheegayo inuu Soomaaliya caawinayo,isla markaana uu rajeynayo inay labada Madaxweyne kulmaan.