AKHRISO:- Ciidanka dowladda oo fuliyey howlgal qorsheysan

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka sameeyeen tuulooyin hoos taga degaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha hoose.

Howlgalka oo uu hoggaaminayey taliyaha Ciidanka lugta Cabdi Xamiid Maxamed Dirir ayaa Ciidamada waxaa ay ka sameeyeen deegaannada,farangi, Falkooni iyo Gaarilow,kuwaas oo dhamaan hoostaga deegaanka Janaale oo ay bilo ka hora wareegeen Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka lugta Janeraal Cabdi Xamiid Maxamed Dirir ayaa sheegay in Ciidamada ay howlgalka guulo waaweyn ka gaareen,isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen Al-Shabaab waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu ugu baaqay Saraakiisha iyo Ciidamada inay sii laba jibaaraan howlgalka ilaa iyo inta ay kala dareemayaan deegaannada ay ku harsan yihiin Al-Shabaab.

Tan iyo markii Ciidanka dowladda Soomaaliya ay la wareegeen deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay wadeen howlgallo kala duwan oo Saraakiisha Ciidamada ay ku sheegeen inay ku doonayaan la wareegitaanka deegaano horleh.