Ururka Taliban oo mar kale diiday in uu wadahadal la furo dowladda Afghanistan

0

Kooxda Taliban ayaa iska diiday in wax wadaxaajood ah ay lafurto guddi ay soo magacawday dowladda ay dagaalka kula jirto ee Afghanistan.

Afhayeenka kooxda ayaa sheegay in uu dib u dhac ku yimid talaabooyinkii xigay ee heshiiskii nabadda oo ay la galeen dowladda Mareykanka oo dhex dhaxaadineysan kooxdan iyo dowladda Afgaanistaan.

Zabinnullah Mujahid oo ah afhayeenka kooxda Taliban ayaa yiri “Guddigan ka kooban 21-ka xubinood kama qeyb ahan dhamaan dhinacyada Afghanistan, sidaas darteed lama geli doono wax wadaxaajood ah illaa reer Afgaanistaan ay kala yimaadan metelaad dhab ah”.

Khamiistii lasoo dhaafay ayey ahayd markii wasiirka arrimaha nabadda ee dowladda Afghanistan uu ku dhawaaqay xubnahan, iyadoona uu arintaasi soo dhaweeyay Zalamy Khalilzad oo ah ergayga dowladda Mareykanka u qaabilsan wadahadalada kooxda Taliban.

Ururka Taliban ayaa dhawr jeer oo hore dhagaha ka fureystay in wax wadahadal ah uu la furo dowladda Afghanistan, waxayna ku eedeeyaan in ay tahay dowlad daba dhilif u ah dalalka reer Galbeedka