AKHRISO:- Xildhibaanada DFS Ee Kasoo Jeeda P/Land Oo Si Kulul Ugu Jawaabay Wasiiradii Shalay Hadlay

0

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka kana ka qeyb galay Shirkii Wadatashiga Puntland ayaa kasoo horjeestay hadal kasoo yeeray Wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka oo shalay Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe.

Qoraal ay soo saareen Xildhibaanada oo Puntland ku matela DFS ayaa waxaa ay ku sheegeen in Wasiirada dowladda aysan ku matelin hadalkii ay uga soo horjeesteen qodobo ku jiray Shirkii Garoowe.

Sidoo kale Xildhibaanada ka tirsan Golaha Shacabka oo ku sugan Garoowe ayaa waxaa nasiib darro ay ku tilmaameen in Wasiirada ay ka abaal dhaceen Casuumaadii ay Puntland ay u fidisay.