Isbitaalka Guud ee Degmada Balcad oo 30 sano kadib dib loo furay

0

Isbitaalka Guud ee degmada Balcad ayaa si rasmi ah xariga looga jaray kadib muddo soddon sano oo uu burbursanaa isbitaalka.

Munaasabada xariga looga jarayay isbitaalkan ayaa lagu qabtay magaalada Balcad iyadoo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabelle,Maamulka degmada Balcad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasin Cali Nuur oo xariga ka jaray dhismaha isbitaalka oo ay suurtogeliyeen bulshada ku nool degmada Balcad iyo qurbojoogta ka soo jeeda degmada.

Guddoomiye Qaasim Cali Nuur ayaa u mahadceliyay dadkii ka qeybqaatay dhismaha isbitaalka oo uu ugu horeeyo Xildhibaan Xasan Maxamed Xaaji oo dadaal dheeraad ah ku bixiyay sidii dib loogu furi lahaa isbitaalka.

XIldhibaan Xasan Maxamed Xaaji oo munaasabadan ka hadlay ayaa sheegay in muddo toban sano ah ay wadeen sidii loo dhisi lahaa isbitaalka degmada Balcad balse isbitaalkii hore ee degmada ay muddo gaaban lagu burburiyay.

Xildhibaanka ayaa sheegay inuu la dhagax dhigayo dhismaha qeybaha kala duwan ee uu isbitaal guud u baahan yahay kuwaasoo shacabka degmada Balcad ay ku tashanayaan maalkooda iyo muruqooda.

“Muddo dheer ayay haweenka degmada Balcad dhibaato ku ahayd sidii ay u heli lahaayeen meel lagu baaro oo ay ku umusho haddana waan helnay isbitaalkii dib ayuu noogu soo laabtay.”ayuu yiri XIldhibaan Xasan Maxamed Xaaji.

Isbitaalkii hore ee degmada Balcad ayaa ku burburay dagaaladii sokeeye waxana dhulkii uu lahaa degey shacab balse dadaalo ay sameeyeen maamulka degmada balcad iyo guddi laga soo xulay waxgaradka degmada Balcad ayaa lagu guuleystey in dadkii degenaa si nabad ah looga raro kadibna dib u dhis loogu sameeyay.