DHAGEYSO:-DF oo war kasoo saartay duqeyn lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

0

War kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa Mareykanka ee AFRICOM ay duqeyn ku dileen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

“Casirki, 7-da Maarso, ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidanka Mareykanka ee AFRICOM oo iskaashanaya ayaa duqeyn cirka u gaystay xagjiriin ka tirsan Alshabaab meel u dhaw tuulada Gandarshe ee gobolka Shabeellada Hoose” ayaa lagu yiri warkan oo ay xalay soo saartay  dowladda.

Duqeynta ka dhacday Gandarshe ayey sheegtay dowladda Soomaaliya in lagu dilay afar xubnood oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, isla markaana aysan jirin wax yeelo kasoo gaartay dad rayid ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Sidoo kale dowladdu waxa ay sheegtay in weerarkan uu yimid kadib markii Al-Shabaab ay shalay weerar ku qaadeen saldhigga militeriga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-saliini ee duleedka degmada Marka.

Wararkaas waxaa lagu sheegay warka kasoo baxay dowladda federaalka in ay iska caabiyeen ciidanka xoogga dalka ee lagu weeraray saldhigga Ceel-Saliini.

“Ku dhawaad 30 kooxda Alshabaab ah ayaa isku dayay in ay cagta mariyaan xerada militari ee Ceel-Salini, hayeeshee ciidanka xoogga dalka ayaa jab u gaystay, mana jirin cid ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo wax ku noqatay weerarkaas”ayaa lagu yiri qoraalka.

Ceel-saliini ayaa ka mid ah deegaanada ugu badan ee Al-shabaab ay ku weeraraan ciidamada dowladda federaalka, gaar ahaan kuwa xoogga dalka oo saldhig militeriga kuleh halkaas.

Horay Al-Shabaab waxay deegaankaas uga fuliyeen weerarro dhowr ah oo ay ku dileen askar badan kuna furteen hub iyo gaadiid ciidan, waxaana weli muuqata in Al-Shabaab ay ku dhiiranayaan weerarridda saldhigga militeri ee Ceel-saliini.