Cabdiwali Gaas oo 13-bilood kadib dib ugu laabanaya Puntland

0

Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Cabdiwalli Maxamed Cali Gaas, sidoo kalena soo noqday Ra’iisul Wasaarihii Dowladii KMG ahayd ee uu Madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ku wajahan Magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo xubno ay isku xisbi yihiin ayaa maanta tagaya Magaalada Garoowe, waxaana ay ka safrayaan Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo muddooyinkii dambe shirar ugu socdeen Xisbiyada mucaadka ku ah DFS ugu socday.

Gaas waxa uu Garoowe ka tagay markii looga goolaystay Doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland bilawga sanadkii tagay 2019-kii, wixii xiligaas ka dambeeyay cagihiisa ma dhigin deegaanada Maamulkaas.

Ujeedka safarka uu ku tagayo Cabdiwali Gobolka Nugaal waxaa lagu sheegay in uu ka qaybgalayo shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Deni ee ay ka qaybgalayaan Saamileyda siyaasadeed ee Puntland.