AKHRISO:- Xarumaha Waxbarashada Magaalada Mandheera oo xiran

0

Waxaa Maalintii Saddexaad xiran goobaha Waxbarashada ee Magaalada Mandheera ee dalka Kenya,kaas oo saameyn ballaaran uu ku yeeshay dagaalkii Maalin ka hor inta u dhaxeysa Magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Mandheera ku dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Waaldiinta ku nool Magaalada Mandheera ayaa aad uga walaacsan arrintaas maadaama muddo Saddex Cisho ah ay xiran yihiin Goobaha Waxbarashada oo Carruurtooda aysan aadin.

Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Mandheera oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in xiisada u dhaxeysa Ciidamada Dowladda iyo kuwa Wasiirka Amniga Jubbaland ee xadka ka taagan ay sabab u noqotay inay iskuuladaas xirmaan & in dagaalkii Maalin ka hor dhacay uu soo gaarey qeyb kamid ah Magaalada Mandheera.

Dowladda Kenya ayay ugu baaqeen inay waxka qabato isbedelka dhinaca Amniga ah ee ku yimid Magaalada Mandheera,isla markaana Ciidamada uu wato Wasiir Cabdi Rashiid Janan ay ka saarto Gudaha Magaalada Mandheera.

Inta badan Iskuulada ku yaalla Magaalada Mandheera ayaa xiran,waxaana weli jirta cabsi ku aadan in markale ay xaduuda ku dagaalamaan Ciidamada Dowladda & kuwa Jubbaland,waxaana xilliga uu dagaalka socdey Magaaladaas gaarey rasaas farabadan oo ay si weeydaarsanayeen dhinacyada dagaalamay.

Horay waxaa Magaalada Mandheera isaga baxay Macalimiintii Ajaanibta aheyd,kadib markii weeraro dhowr ah ay Al-Shabaab ka fuliyeen Gudaha iyo daafaha Mandheera,waxana dowladda Kenya la sheegay inay sugi weysay Amniga Macalimiinta Ajaanibta ahaa ee ku sugnaa Magaalada Mandheera.