Madaxweynaha Galmudug oo la kulmey hoggaamiyaha Ahlusunna

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb waxaa uu ku qaabiley hoggaamiyaha Guud ee Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku maanay hoggaanka Ahlusunna sida ay u muujiyeen tanaasulka iyo ka shaqeeynta dib u heshiisiinta deegaannada Galmudug maadaama horay uu u jiray khilaaf sababay gacan ka hadal.

Hoggaamiyaha Guud ee Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay inay diyara u yihiin la Shaqeynta Madaxda Galmudug,isla markaana ay talooyin ku darsan doonaan.

Dagaal socdey in ka badan 24 Saacadood ayaa waxaa uu sabab u noqdey in Ciidanka Dowladda Soomaaliya ay la wareegaan Xarunta Inji oo aheyd fariisinka weyn ee hoggaanka Ahlusunna iyo hbkii iyo Ciidamadii Ahlusunna.