AKHRISO:- Nin Soomaali Oo Xaaskiisa Ku Dilay Mareykanka Oo La Maxkamadeeyey

0

Maxamed C/casiis Kerow oo 46 jir ah waxaa shalay la soo taagay Maxkamadda Sare ee magaalladda San Diyeego ee Gobalka Kaliforniya ee dalkaasi, isagoo loo haysto dilkii Xaaskiisa oo la oran jirey Muna Salaad Kuri oo 36-jir ahayd.

Sida laga soo xigtay Baaraha Kisiskaasi waxa uu Eedeysanaha dilay xaaskiisa ku-dhawaad hal sanno ka hor, isla markaana uu ka gudbay Xuduudka Maraykanka la wadaagodalka Meksiko.

Dhegeysiga Bilowga ee dacwadii shalay waxa uu Garsooraha Maxkamadda Saree e San Diyeego, Joan Weber helay dhacdooyin ku filan oo Eedeysanaha loogu soo oogi karo Fal-dembiyeedka Dilka iyo eedda ah inuu hub u isticmaalay dilka Xaaskiisii hore.

Ku-xigeenka Baaraha Daawada ee dilkaasi, Drs. Bethann Shaber waxay sheegtay inay Marxuumadda u geeriyootay jug looga dhuftay dhanka madaxa, isla markaana laga jebiyey Daanka, Ilig, sanka iyo dhaawacyo kale oo Mindi ah oo looga dhuftay Wejiga iyo qeybaha sare ee Jirkeeda.

Dhinaca kale, Labo gabdhood oo la dhashay Marxuumadda Muna Salaad Kuri ayaa waxay Maxkamadda shalay kaga markhaati fureen inuu sayga Walaashooda uu xaaskiisa ku eedeyn jireey inay ka qeyb qaadatay Filimadda Anshax-xumida, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Marxuumadda waxaa la sheegay inay Maraykanka qaxooti ahaan kaga soo gashay Kenya, iyadoo sanadkii 2015-kii guursatay saygeeda Maxamed C/casiis Keerow, kaasi oo ugu dambayntii iyada dilay bishii Maarso 4-dii ee sanadkii hore.

Eedeysanaha markii uu dilay xaaskiisa waxa uu u baxsaday dalka Meksiko, waxaana Saraakiisha Dembi-baarista Boliska Maraykanka ee FBI-da u suurto-gashay inay Eedeysanaha gacanta ku soo dhigeen bishii Maarso 20-dii ee sanadkii hore.