Sirdoonka Mareykanka oo Ruushka uga digay in mar kale uu fara geliyo doorashada dalkaas

0

Laamaha sirdoonka ee Mareykanka ayaa ka digay in Ruushka uu isku dayi doono inuu madaxweyne Donald Trump ka caawiyo sidii dib loogu soo dooran lahaa marka la gaaro doorashada madaxtinnimada ee bisha November, sida ay sheegeen warbaahinta Mareykanka.

Warbaahinta oo soo xiganeysa saraakiil sar sare ayaa sheegtay in hadalkan uu kasoo baxay kulan ay albaabada u xirnaayeen oo 13-kii bishan February xog lagu siiyay guddiga sirdoonka ee aqalka Wakiillada.

Madaxweyne Donald Trump ayaa lagu soo warramay inuu si aad ah uga carooday arrintan, isagoo ka cabanaya in siyaasiyiinta xisbiga Dimuqraaddigu ay macluumaadkaas u adeegsan doonaan si ay ugu wiiqaan ol’olihiisa.