DHAGEYSO:- Maamulka Jubbaland oo sheegay in ay is difaaci doonto

0

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen dagaal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab iyo inay iska difaacaan cidkasta oo cadaw ku ah Maamulkaas.

Jubbaland ayaa degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa ay kusoo bandhigeen Ciidamo farabadan oo wata Gaadiidka dagaalka,kuwaas oo saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen inay howlgallo qorsheysan fulin doonaan.

Taliyaha Amniga degmada Dhoobleey Heybe Axmed Cabdullaahi & Guddooomiyaha degmadaas Siyaad Maxamed Xasan oo Ciidamada la hadlayeen ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamadan ay yihiin kuwo horey u xureeyey degmooyin iyo deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.