Hogaamiye Deni oo Magacaabis Sameeyay

0

Hogaamiyaha puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.15 February 6, 2020, ugu magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen Ku meel gaar ah Degmadda Galdogob.

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Degmadda Goldogob.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu garowsaday: In ay dhamaatay mudo xileedkii Golaha Degaanka Degmadda Galdogob, walina aysan suurto galin in la dhiso gole Deegaan oo cusub.

Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdiqaadir Khaliif Xaashi si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmadda Galdogob.

2. Waxaa Siciid Muuse Shire si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmadda Galdogob.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.