Farshaxanka Soomaaliyeed ee Amiin Caamir ayaa sawir Gacmeed Cajiib ah ka sameeyay Shirkii Qaar kamid ah Madaxda maamuladda dalku ay Magaalada Nairobi kula yeesheen Safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Soomaaliya.
Waxaa si gaar ah sawirka loogu muujiyey Madaxwaynaha Doorashadiisu Muranka dhalisay ee Axmed Madoobe oo leh “Jubbaland Madaxayga ayaa kasoo hadhay “. Sidoo kale waxaa Sawirka ka muuqday UUNSI , Iyadoo Kelmadaasi ay Caan baxday xiligii Caleema-saarka Axmed Madoobe.
Shirkan maamulada iyo Safiirka Maraykanka dhexmaray ayaa lagu sheegay mid loogu kala Dabqaadayey Xukuumadda Federaalka iyo Maamulada oo khilaaf uu muddo ka dhexeeyay.
Balse waxaa shirka Joogay Madaxda maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo Xidhiidh wanaagsan uu kala dhexeeyo DF-Soomaaliya, SIdoo kale Kursiga Galmudug ayaa Bannaan Maadaama aanu Jirin weli madaxwayne cusub oo maamulkaasi uu yeeshay.
Comments are closed.