Mareykanka Oo Dhex-Dhexaadinaya DF Iyo Maamulada

0

Danjiraha Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Donald Yamamota, ayaa magaalada Nairobi kula kulmay qaar kamid ah madaxda maamulada.

Madaxda uu diblumaasigaan la fariistay ayaa waxay kala yihiin hogaamiyeyaasha Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Qoraal kasoo baxay safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu shaaciyey in kulanka diirada lagu saarey amniga iyo khilaafka maamulada qaar iyo dowlada.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeedka, Mareykanka wuxuu doonayaan in lasoo gabagabeeyo muranka si looga wada hadlo doorashooyinka 2020-21.

Washington ayaa ku boorisay hogaamiyeyaasha Soomaaliya inay miiska wada-hadalka isugu yimaadaan si looga heshiiyo arrimaha masiiriga ah ee wadanka.

Ugu dambeyntii, bayaanka ayaa soo dhaweeyay wada-hadalo loo dhan yahay oo ay yeeshaan madaxda dowlad goboleedyadda iyo kuwa federaalka ah.