Muuse Biixi oo maanta golaha wakiilada ka hor jeedi doona khudbad lawada sugayo

0

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lafilayaa inuu maanta khudbad sanadeedkiisii ka hor jeediyo labada Gole ee Barlamaanka Somaliland.

Khudbadda sanadeedka Madaxwayne Biixi oo noqonaysa tiisii labaad  ayaa kusoo beegantay wakhti ay xaalad siyaasadeed wajaheyso Somaliland, muran iyo dib u dhac badan uu ka jiro doorashooyinka golaha wakiillada, golaha deegaanka, khilaafka xisbiyada iyo xukuumadda, wadahadallada hakadka ku jira ee Soomaaliya iyo Somaliland iyo arimo kale.

Labada xisbi mucaarad ee Somaliland ayaa shalay ilaa maanta ku jira shirar ay uga arinsanayaan khilaafka cirka isku sii shareeraya ee kala dhexeeya xukuumadda madaxweyne Biixi.