AKHRISO:- Madaxweynaha Puntland oo Magacaabis sameeyey

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.06 January 8, 2020 ku magacaabay Guddoomiyaha Ku meel gaarka ah ee degmada Carmo ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dardargelinta howlaha shaqo ee Degmada Carmo.
Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waaya-aragnimadiisa Shaqo.

Markuu tixgeliyey: Talo soojeedinta Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.

Wuxuu xeeriyey :

1. Waxaa Maxamed Ibraahim Faarax si ku meel gaar loogu magacaabay Guddomiyaha Degmada Carmo ee Gobolka Bari

Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.