AKHRISO:- Faahfaahin dil ka dhacay Muqdisho

0

Sidda ay allgalgaduud u xaqiijiyeen dadka degaanka Kooxo hubeysan ayaa nin dhalinyaro ah waxa ay ku dileen Xaafadda Taleex ee degmada Hodan ee Muqdisho.

Ruuxa la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Dhaayow Cusmaan Aadan waxaana la sheegay in uu ahaa taliyaha NISA ee degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana halkaasi ka sameeyeen howlgallo.

Kooxihii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Taliyaha ayaa saldhigiiso ahaa degmada Qoryooley, waxaana la sheegay in uu dhawaan soo gaaray Muqdisho.