AKHRISO:- Dad Lagu La’aa Qaraxii Ex-Koontarool Afgooye Oo La Helay

0

Waxaa weli Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ka socda baadi goob xoogan oo loogu jiro sidii loo heli lahaa dad lagu la’yahay Qaraxii ka dhacay Isgoyska ee Ex-Koontarool Afgooye ee Muqdisho.

Guddiga gurmadka Qaranka oo dowladda Federaalka u xilsaartay Qaraxii Ex-Koontarool ayaa xaqiijiyay in la helay 24 ruux oo la weysanaa 12 ka mid ah, kuwaasi oo baadi xoogan tan iyo markii uu qaraxu ka dhacay loogu jiray.

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in la helay 5 ruux oo dhimasho ah, Ruux dhaawac ah iyo 6 ruux oo caafimaad qaba.

Wararka ayaa sheegaya in ku dhawaad 11 meyd ay si daran u gubteen, taas oo sababtay in la aqoonsan waayo, waxaana hay’adda danbi baarista ee C.I.D ay wadaa sidii Meydadka looga baari lahaa dheecaanka D.N.A si loo garto cidda ay ka maqanyihiin.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay dalka Turkiga u qaaday qaar kamid ah dhaawacyadii cuslaa ee ku waxyeelloobay qaraxii Ex koontarool, waxaana Maanta la filayaa in dad kale oo qaba dhaawacyo Culus loo qaado dalka Qatar.