Faah Faahin:-Dil Ka Dhacay Muqdisho Iyo Al-Shabaab Oo Sheegtay

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Kooxo hubeysan oo Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir ku dilay Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dilkaan ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa, isla markaana waxaa Sarkaalka u geystay rag dhalinyaro ah oo watay Bastoolado, isagoona halkaas ku geeriyooday.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ragii ka dambeeyay dilkaas goobta ay si deg deg ah uga baxsadeen, waxaana durbo goobta gaaray Ciidamo ka tirsan dowladda, iyagoona soo qaaday Meydka Sarkaalka la dilay.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada dilka loo geystay Sarkaalka ka tisanaa Ciidanka dowladda, kaasi oo ay magacaiisa ku sheegeen Muxamed Isxaaq.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka oo ay uga hadlayaan wararka sheegaya in degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir lagu toogtay Sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladda