DHAGEYSO:-Taliyaha Ciidanka Lugta Oo Ka Hadlay Qaraxii Lagula Eegtay Gaalkacyo

0

Taliyaha Ciidanka lugta xoogga dalka Soomaaliyeed General Cabdi Xamiid Maxamed Dirir ayaa faah faahin ka bixiyay weerarkii xalay lagu qaaday xili uu ku sugnaa agagaarka hotel ku yaalla Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

General Cabdi Xamiid oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu sheegay in weerar lagu soo qaaday Kolonyo uu la socday isaga iyo Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka xooga dalka xili ay ku sugnaayeen afaafka hore ee Hotel ku yaalla Gaalkacyo.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in qaraxa lagu soo weeraray uu ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, isla markaana uu ka badbaaday.

Isaga oo sii hadlaayay General Cabdi Xamiid ayuu tilmaamay in qaraxas ay ku dhaawacmeen 6 Askari oo kamid ah aheyd ilaaladiisa oo la socday, sidoo kalena Khasaaro uu soo gaaray dad shacab ah.

Dad ku sugan Koonfurta Gaalkacyo ayaa xaqiijiyay in ku dhawaad 10 ruux ay ku dhinteen oo isugu jiray dad shacab ah iyo Askar qaraxaas, halka 20 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la dhigay Xarumaha Caafimaada eek u yaalla halkaas.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkii lagu qaaday Kolonyo uu la socday Taliyaha ciidanka lugta xoogga dalka iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka dowladda.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa waxaa ay tilmaameen in qaraxii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay ku gaarsiiyeen Saraakiishii ay weerareen.