DHAGEYSO:-Wasiiro Iyo Saraakiil Ciidan Oo Kormeer Ku Tagay Gobolka Baay

0

Wasiiro ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo saraakiil ciidan ayaa saacadihii la soo dhaafay kormeer shaqo ku tegay duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Wafdigaan ayaa ciidamada ku booriyey dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Baay oo ka mid ah xubnahaasi aya warbaahinta u sheegay inuu socdaalkoodu uu la xariiray xoojinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay booqan doonaan xerooyin kale oo ku yaalla gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Ciidamada huwanta ee ka howlgalla Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maalmihii dambe xoojiyey howlgallada Milatari ee ka socda deegaanada maamulkaasi.