Xoghayaha HIMILO QARAN oo Kasoo Horjeestay Warkii kasoo baxay Madasha Sheikh Shariif uu Hogaamiyo

0

Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed Maalin oo ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Himilo Qaran ayaa beeniyay in magaalada Dhuusamareeb ay soo gaareen Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyn howlgalka AMISOM.

Xildhibaanka ayaa beeniyey  wararka sheegaya in Ciidamo Itoobiyaan ah ay gaareen Dhuusamareeb, isagoo nasiib darro ku tilmaamay warka ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran oo qeyb ka ah Xisbiga Himilo Qaran oo uu ka mid yahay.

“Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug la wadaago inaaney waxba ka jirin wararka lagu sheegay in Dhuusamareeb la geeyay Ciidama Itoobiyaan ah oo aan AMISOM ka tirsaneyn”ayuu yidhi Xildhibaan Cadbixakiin Maalin.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya ay horay u joogeen Dhuusamareeb muddo aan ka yareyn saddex bilood, isagoo tilmaamay in Ciidamadaas ka wada tirsan yihiin AMISOM.

“Waxaa jira ciidamada Djibouti iyo kuwa Ethopia oo Dhuusamareeb ku sugnaa muddo aan ka yareyn sadax bilood, hayeeshee ciidamadaasi waxay ka wada tirsanyihiin AMISOM. Waana ay dhacdaa in ciidamadu ay sameeyaan dhaqdhaqaaq xagga kalabadalka ciidanka ama logisticada ah”.

“Waxaase nasiib darro ah in Madasha xisbiyada Qaran oo markii hore loo aasaasay in wax lagu saxo uu hadalkaan aan la hubsan ka soo baxo – Dhuusamareeb innaga ayaa ku sugan oo xog-ogaal u ah waxa ka jira,Mucaaradnimadu waa inaaney ka hor imaan danaha dadka aan matalno, waana in aan lahaanno aragti ka durugsan danaha gaarka ah ee siyaasiyiinta.

Xildhibaan Cabdixakiin Maalin ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa Dhuusamareeb oo ah deegaanka uu ka soo jeedo.