Guri ku yaala D/Hawlwadaag oo walxaha qarxa laga helay Iyo Cabsii qaraxyo kale oo jira

0

Sida ay sheegeen Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa guri ku yaala Degmada Hawlwadaag laga helay walxaha qarxa.

Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Ammaanka ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo ay la socdaan xubno kale oo Maamulka Gobolka Banaadir ka tirsan ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii ku soo bandhigay Degmada Hawlwadaag walxahaasi qarxa.

Gudoomiye Kuxigeenka ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in guri ku yaala Degmada Hawlwadaag ay ka soo qabteen, isagoo dhinaca kalena sheegay in ay baaritaan ku aadanaa dadkii gurigaasi deganaa.

“Guri ku yaala Degmada Hawllwadaag ayaa waxaan ka qabanay waxyaabaha qarxa oo gurigaasi ku aasnaa, waxaan baaritaan ku wadnaa guriga iyo dadkii deganaa.” Ayuu yiri Gudoomiye Kuxigeenka.

Maxamed Cabdullaahi Tuulax, Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Ammaanka ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa u mahadceliyay dadka deegaanka “Waxaan u mahadcelinayaa shacabka degmada oo xogtaan nala soo wadaagay.”