AKHRISO:- Xayiraadda dowladda Federaalka saartay Jubbaland oo saameynteeda ku soo aruurtay Shacabka kaliya

0

Maamulka Jubbaland oo ay Dowladda Federaalka saartay xayirad dhanka duulimaadyada ah ayaa tallaabadaas waxay u muuqataa mid “saameynteeda kusoo ururtay shacabka Jubbaland oo keliya”

Maamulka Jubbaland oo ay Dowladda Federaalka saartay xayirad dhanka duulimaadyada ah ayaa tallaabadaas waxay u muuqataa mid “saameynteeda kusoo ururtay shacabka Jubbaland oo keliya”.

Saameynta ay shacabka ku yeelatay

Xayiraadda ayaa sida muuqata saameyn ku yeelatay shirkadaha diyaaradaha iyo shacabka Jubbaland ee isaga kala goosha deegaanaadas, oo waxaa sare u kacay qiimaha lagu raaco duulimaadyada iyo saacadaha duulimaadka oo ka dheeraaday sidii hore.

BBC-da oo la xirirtay mid kamid ah shirkadaha duulimaadyada ee tegi jiray Dhoobley iyo Kismayo ayaa sheegay in markii hore qiimaha uu ahaa 90 doolar, balse hadda qofka doonaya in uu tago Kismayo uu ku khasban yahay in uu sii maro Muqdisho oo uu bixiyo lacag dhan 270 doolar.

Waxay shegeen in ay adag tahay in qofka rakaabka ah ee ka yimaada Dhoobley uu isla maalintaas tago Kismayo, oo uu khusaban yahay in Magaalada Muqdisho uu ku nagaado habeen, si uu maalinta xigta ugu safro Kismayo.

Qaar kamid ah shacabka Jubbaland ayaa sheegay in go’aanka dowladda uu saameeyay nolashoda.

“Wafidgii caleemasaarka ee Axmed Madoobe waxay ka kala yimaadeen Nairobi iyo Puntland, madaxweyne ku xigeenka maalin dhaweyd Kismayo ka tegay oo wuxuu ka degay Ceelwaaq, Madaxweynaha Jubaland ayaa u dambeeyay oo shalay ayaa wuxuu ka degay Nairobi, Jubbaland waa ay socotaa, siyaasi waxba kuma la’a meesha ee dhibaatada iyo cunaqabateynta waxay ku habsatay shacabkii masaakiinta ahaa”, sidaas waxaa BBC-da u sheegay Ugaas Xuseen Qorane oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee Jubbaland.