Dacwadii Xisbiga Himilo Qaran oo maanta markale la dhageysanayo

0

Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta markale u fariisanaysa dhageysiga dacwadda u dhaxaysa Xisbiga Himilo Qaran iyo Hey’adda Duulista rayidka.

Dacwadaan ayaa bishii la soo dhaafay waxaa Maxkmadda sare u gudbiyey  Xisbiga Himilo Qaran oo uu madaxda ka yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Dooda u dhaxeysa Xeer-ilaaliyaasha Qaranka iyo Garyaqaanada u doodaya Himilo Qaran ayaa dhawaan ka bilaaban doonta hoolka Maxkamadda ee dacwadaha lagu dhageysto.

18-ka bishaan ayay Maxkamadda sare markii u horeysay u fariisatay qaadista dacwadaan taas oo maanta markii labaad Maxkmaddu u fariisaneyso.