SAWIRO:- Kulamo looga hadlayo doorashada Galmudug oo ka socda Dhuusamareeb

0

Guddiga Farsamada maamul u sameynta Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb uga qayb galay kulan ay ka qeyb-galeen qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Dhuusamareeb.

Kulanka ayaa waxaa looga hadalayay muhiimada ay Bulshada iyo hurumarka deegaanka u leedahay ilaalinta qoondada Haweenka ee Baarlamaanka iyo guud ahaan dowlad gobaleedka Galmudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan dhismaha Galmudug oo xilligaan caqabado farabadan ay la gudboon yihiin, iyada oo weli aan xal laga gaarin arrinta Ahlusunna ay ku dalbatay Xubnaha Xildhibaannada Cusub in qoondo badan laga siiyo.