AKHRISO:- Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle oo kulamo iyo Howlo Samafal ka wada Beledweyne

0

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa kulamo iyo howlo samafal isugu jira ka wada magaalada Beledweyne.

Cali Cabdulaahi Xuseen Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle ayaa kula kulmay guddiga gurmadka Beledweyne isagoo ka dhagaystay warbixino la xiriira sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa kaabayaasha dhaqaalaha ee ku burburay fatahaadaha magaalada Beledweyne.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa ku ammaanay guddigan grumadka eek a dhisan Beledweyne dadaalada ay wadaan waxana uu u ballanqaaday in Maamulka Hirshabelle uu ka caawin doono sidii dayactir loogu sameyn lahaa wadooyinka iyo buundooyinka ku burburay fatahaadaha.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa kula kulmay oday dhaqameedyada, waxgaradka, aqoonyahanada,dumarka iyo dhalinyarada mid ka mid ah beelaha dega gobolka Hiiraan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka jawaabay martiqaad ay u fidiyeen duqeyda dhaqanka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda beesha Jijeela. Waxana uu kulankoodu uu ku dhamaaday jawi wanaagsan.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka socda dadaalo wax loogu qabanayo dadka ay fatahaadu saameeysay iyadoo maamulka Hirshabelle uu door weyn ka qaadanayo.