AKHRISO:- Madaxweynaha KG oo kulamo ka wada Baraawe

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose,isaga oo kala hadlay Arrimo dhowr ah.

Kulanka ayaa Odayaasha Dhaqanka waxaa ay Madaxweyne laftagareen u gudbiyeen xaaladaha kala duwan ee kajira degmada,iyaga oo ka codsaday in Maamulka uu wax ka qabto.

Madaxweyne laftagareen ayaa sheegay in cabashada ay qabaan Odayaasha Dhaqanka uu wax ka qaban doono,isla markaana Xubnaha Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed uu la wadaagi doono.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in la dardar gelin doono howlaha Amniga ee degmada,isla markaana Ciidamada dowladda looga baahan yahay inay howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Al-Shabaan ka fuliyaan deegaannada Hoostaga Baraawe si ay uga saaraan.