QORMO:- Faragelinta iyo Fashilka Kenya ee Somalia

0

Duruufihii ama xaaladihii ku gadaanaa doorashadii Jubaland, ayaa muujinaya baahida loo qabo qabyatirka dastuurka iyo wadahadal ku saabsan mustaqbalka dimuqraadiyadda maamul-goboleedyada, si loo xadido saameynta awoodaha qarsoon oo khalkhal gelinaya dimuqraadiyadda curdunka ah ee dalka.

Siyaasiyiintii ku loolamayey, ma aysan helin hanaan doorasho sida Ay Ku Doodayaan oo loo siman yahay.

Dhinaca kale, ujeeddadii Kenya ay u soo gashay Soomaaliya 2011kii, waxay ahayd dhismaha maamul-goboleed xuduudeed “buffer state” oo Nairobi laga hago. Maamul noocaas ah, waxaa loo adeegsadaa xijaab amni iyo xujo joogta ah, waana hadafka guud ee dowladda Kenya ay leedahay.

Sida muuqata, Kenya waxay ka faa’iideysata: khilaafka awood qaybsiga siyaasadda.

Runti Sayid Axmed Islaam (Axmed Madoobe): waa wadan Hadii Wada-hadal lala Gali-lagaa waxyaalo badan xeerin-lahaa,
waxaa diiwaanka taariikhda loogu xardhidoonaa in uu ahaa ninkii ugu horreeyey ee maamul ka yagleelay degaanka Jubbaland oo muddo dheer dagaallo sokeeye ka socdeen ahna wadani Dalkiisa si wanaagsan u daryeeli Kara, isla markaana awood u yeeshay in uu hor fariisto dhammaan raggii iyo beelihii maamulkiisa ka soo horjeestey oo uu ugu danbeeyey wakhtigii Barre Hiiraale oo uu Xamar ku qaabilay xal nabadgelyona ka wada gaaray.

Waxaase Xusid mudan in dhamaan Hogaamiyayaashu ay u Tanaasulaan Dalkooda wax walba oo isqab-qabsi Siyaasi Ahna Ka Fogaadaan, ayna geed dheer iyo mid gaaban-ba u fuulaan sidii ay dalkooda u horumarin lahaayeen. Taas waxay faraysaa in midnimada ummadoodu ay wax walba kasaraysiiyaan, oo ay tuuraan maslaxadaha sakhsiga ah.

Madaxweynaha Rwana Paul Kagame, isaga oo qabiilkiisa Tuutsiga ah ayaa ahaa kuwii la xasuuqay, wuxuu ka doorbiday badbaadinta dalkiisa iyo dib u walaalaynta Huuto iyo Tuutsi oo dhex maray wax aan dhexmarin Soomaali oo waxay iska dileen dad kabadan 1 million.

Paul kama isagoo ka aarsan Huutuuga, ee si siman ayaa labada qabiil dowlada u matalaan maanta, waxayna Rwanda tusaale u noqotay, dalalka sida degdeg u horumaray ka dib dagaal sokeeye, inkastoo Dalkoo dhan Waxyeelo dagaal sokeeyo ka muuqato hadana Waxaan u Tusaalaystay ayaa Ah in Waxwalba Laga heshiin-karo iyadoo maslaxada guud la eegayo.

Dhan kale Xaq uma laha Kenya, inay soo farageliso arrimaha Soomaaliya (gudo iyo dibedba) marka la eego shuruucda caalamiga ah, weliba iyadoo ciidamadeedu dalka ku joogaan axdiga nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika (AMISOM).

Waxaa la soo gaaray waqtigii lagala wareegi lahaa ciidamada shisheeyaha, gaar ahaan kuwa Kenya nabad ilaalinta, loona guuri lahaa nabadaynta guud, ayadoo laga tusaale qaadanayo habka qarameynta miliishiyada maamul-goboleedka Galmudug.

Guul darrada diblomaasiyadeed ee Kenya ka soo raacday Golaha Ammanka ee QM, waxay marqaati u tahay in xaqu kol kaste ka gacan sareyo xaq darrada. Taas waxay kor u qaaday kalsoonida ummadda Soomaaliya ay ku qabaan qadiyadda dacwada badda ee hor taal Maxkamadda ICJ.

Siyaasi Siciid Cali Axmed Qurbaawi

Xisbiga: Hiigsi Qaran(Somalia)

Allah Mahad Leh