Akhriso:-Amniga gobolka bari oo amaro adag laga soo saaray

0

Guddiga Nabadgelyada gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa waxaa Maanta oo jimce ah ay soo saareen go’aano la xiriira dhinaca amniga, kadib markii ay sheegeen in la dareemay inay jirto Qatar dhinaca Amniga ah.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in laga bilaabo Maanta Hoteelada ku yaalla deegaannada Gobolka Bari aan lagu qaban karin shirar aan amar looga heysan Guddiga Nabadgelyada.

Sidoo kale in Xafladaha Goobaha Aroosyada lagu dhigo iyo munaasabadaha kale lagu soo wargelinayo Guddiga Nabadgelyada Gobolka Bari si ay go’aan uga gaaraan.