Maxkamadda Racfaanka Somaliland oo xukun ku ridday Wariye Coldoon

0

Maxkamadda racfaanka Maamulka Somaliland ayaa waxaa saaka ka soo hormuuqday C/Maalik Muuse Coldoon oo horay ay u xukuntay Maxkamadda Gobolka Waqooyi Galbeed.

Maxkamadda Racfaanka ayaa maxkamadda gobolka ku Ridday xukunkii hore ee ay ridday Maxkamadda Gobolka kaas oo ahaa xukun 3 iyo lix bilood ah.

Goobta saaka lagu xukumay Coldoon ma joogin qareen difaaca iyo xitaa qoyskiisa sida uu dhigayo xeerka Somaliland taas waxaa ay ka hor imaneysaa sharciga.

Coldoon ayaa lagu eedeeyay in uu u gefay Madaxweynaha Somaliland iyo Iskuul lagu magacaabo Abaarso oo ku taalla duleedka Hargeysa.

Wariye Coldoon xariggiisa ayuu Maamulka Somaliland kala kulmay dhaleeceyn badan,waxaana dhawaan is casilay Qareenkiisii oo sheegay in Somaliland aysan ahayn goob uu sharcigu sarreeyo.