Xisbiga Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Xayiraadii Shariif Kuna Baaqay Shir Deg-Deg Ah

0

Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u Cambaareeyay falkii shalay dowladda federaalka ku xayirtay Sheekh Shariif iyo wafdigii la socday oo ku wajahnaa Kismaayo.

Xisbiga UPD ayaa uga ka digaya in hay’addaha qaranka ee bixiya adeegga guud loo isticmaalo dano gaar ah oo aan waafaqsaneyn dastuurka KMG ah qodobkiisa 33-aad.

Sidoo kale Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD ayaa Xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay inay ku tumaneyso xoriyadda lama taabtaanka ah ee Dastuurka damaanad qaaday.

Hoos ka akhriso