DHAGEYSO:-Xisbiga Sheekh Shariif oo baaq iyo digniin u diray Madaxda dowladda Federaalka

0

Xisbiga Himilo Qaran ayaa war saxaafadeed ka soo saaray tallaabadii maanta lagu xanibay diyaaradii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed u qaadi laheyd magaalada Kismaayo.

War saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Himilo Qaran ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Federaalka ay is hor-taag ku sameysay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore oo ku sii jeeday Kismaayo.

“Sida la og yahay dalka waxaa uu ku jiraa marxalad soo kabasho dib u dhiska dowladnimada iyo isu keenida bulshadii colaaduhu kala irdheeyeen, laguna heshiiyay dastuur KMG ah oo damaanad qaadaya xuquuqda iyo xoriyadda muwaadinka Soomaaliyeed”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Xisbiga ayaa uga digay dowladda Federaalka faragelinta ay ku heyso dowlad goboleedyada iyo ku tagri falka awoodeed.

Ugu dambeyn waxaa loogu baaqay Madaxda dowladda Federaalka inay ka waantoobaan jebinta dastuurka iyo shuruucda dalka, waxaana ay caddeynayaan in wixii hadda ka dambeeya aan loogu dulqaadan doonin inay si bareer ugu tuntaan sharciga dalka u yaalla.