SAWIRRO:-Shirka dib u heshiinta beelaha Galmudug oo maalintii labaad Dhuusamareeb ka socda

0

Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimada Dowlad Goboleed Galmudug waxaa maalintii labaad ka socda shirka dib u heshiinta Beelaha dega deegaanada Maamulka Galmudug.

Xarunta Shiir kole ee Magaalad Dhuusamareeb waxaa ka socda shirka beelaha dega deegaanada Maamulka Galmudug waxa ayna uga arinsanayaan Xalinka Khilaafka beelaha Maamulka Galmudug,sida uu noqonayo dhisamaha cusub ee Maamulka Galmudug iyo waxyaabo kale.

Gudoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiinta beelaha Maamulka Galmudug Dr Cabdiraxmaan Macalin Cabdulaahi Baadiyow iyo Xubnaha Guddiga ayaa ku sugan xarunta uu ka socdo shirka dib u heshiinta beelaha Maamulka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya.

Waxaa aad loo adkeeyay Amaanka Xarunta uu shirku ka socdo ee Magaalada Dhuusamareeb halkaas oo lageeyay Ciidamo ka tirsan Booliska sida gaar ah u tababaran ee Haramcad loo yaqaan Ciidamo ka tirsan Midowga Afrika gaara haan kuwa ka socda Jabuuti oo dhawaan gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Shirkaan oo maalinkii labaad ka soconaya Dhuusamareeb ayaa lagu wadaa in labo maalin ka dib la soo gaba gabeeyo sida qorshuhu yahey, waxaana loo qorsheeyay in uu socdo shan Maalin.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Shantii bishaan September Dhuusamareeb ka furay Shirka dib u heshiinta Beelaha Maamulka Galmudug oo laga arinsanayo Dhismaha Maamulka Galmudug ee Bartamaha Soomaaliya.