DHAGEYSO:-Maamulka Puntland oo Si kulul ooga Hadlay Xiisada Kaladhexeysa Somaliland

0

Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland, Sarreeye Gaas Yaasiin Cumar (Dheere) oo haatan ku sugan degmada Baran ee gobolka Sanaag ayaa si kulul uga hadlay xiisada dagaal ee u dhexeysa maamulkaasi iyo Somaliland.

Taliye Yaashiin Dheere oo khudbad u jeedinayey ciidamada Puntland ee ku sugan halkaasi ayaa sheegay gobolku uu ku jiro xaalad dagaal, islamarkaana uu leeyahay cadow fara badan.

‘’Gobolka kan waad ogtihiin maanta cadow badan ayaa ku soo wajahan xaalad dagaal buu gobolku ku sugan yahay nina looga sheekeyn maayo.’’ Ayuu yiri taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in degmada Baran ay ku soo wajahan yihiin ciidamada Somaliland iyo Al-Shabaab oo wada socda, sida uu hadalka u dhigay.

‘’Ciidanka gobolladaas waqooyi ka taliya ay soo wadaan iyo Shabaab oo labadoodu aan kala harin wada soccdaan waxay ku soo wajahan yihiin deegaankan.’’ ayuu intaasi raaciyey taliyuhu.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku adkeeyey in Puntland aysan weerar aheyn, islamarkaana ay iska difaaci doonto cidkasto oo dulaan ku soo qaada.

Inta badan madaxda Somaliland iyo Puntland ayaa dhanka warbaahinta isu mariya eedeymo culus, kuwaas oo marar badan ciidamadoodu ay ku dagaalameen gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaaliya