SAWIRRO:-Xarunta Wasaaradda Beeraha XFS oo Dib u dhis ballaaran lagu bilaabay

0

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Nuur Yuusuf Nuur oo ay wehliyeen masuulyiin uu ka mid yahay Agaasimaha maamulka iyo maaliyadda ayaa kormeer shaqo ku tagay xaruntii wasaaarada beeraha ee degmadda Hodan oo ay ka socdaan howlo nadaafadeed, mid dhismo iyo mid wax soo saar, maadama ay Wasaaradu hirgalisay Xarun lagu tababaro ardayda iyo beeraleda Soomaaliyeed,  laguna beero qudaarta noocyadeeda kala duwan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha ayaa indha indheeyay qaabka ay u socdaan shaqooyinka kala duwan ee laga wado Xaruntii Wasaaradda Beeraha oo ka mid noqotay goobahii danta guud ee ku burburay dhibaatooyinkii iyo dagaaladii dalka ka dhacay, iyaddoo masuuliyiinta Wasaaradda beeraha ay hadda ka shaqeenayaan siddii dib loogu dhisi lahaa qeybihii ay ka koobneyd xarunta oo lagu qaban jiray shaqooyin muhiim ah.

Nuur Yuusuf Nuur Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha oo warbaahinta qaranka kula hadlay xarunta wasaaradda beeraha ayaa sheegay in shaqooyinkan ay biloow u yihiin qorshe guud oo dib loogu dhisayo qeybahii ay ka koobneyd xaruntii hore ee wasaarada beeraha oo  saameyn ay ku yeesaheyn dagaaladii dalka ka dhacay, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u istaagaan dhismaha iyo horumarka dalkooda.