DHAGEYSO:-Dib U Dhac Ku Yimid Doorashadii Golayaasha Deegaanka Iyo Wakiilada Somaliland

0

Guddigadoorashooyinka maamulka Somaliland oo shir jiraa’iid maanta ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday in aysan waqtigii loogu talagalay ku qabsoomi karin doorashada golayasha deegaanka iyo golaha wakiilada.

Guddoomiyaha gudiga doorashooyinka Somaliland C/qaadir Iimaan Warsame oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in warqadda dib u dhaca doorashada ay u gudbiyeen golaha guurtida iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.