Puntland oo sharci darro ku tilmaantay Xarigga maxaabiis ku xiran deegaanadeeda

0

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Abashir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari), oo kormeeray Taliska guud ee ciidanka Asluubta Puntland iyo xabsiga weyn ee magaalada Garowe.

Kormeerka Guddoomiyaha waxaa ku wehelinaayey, Wasiirka Wasaaradda Cadaallada iyo Arrimaha Diinta Puntland Cawil Sheikh Xaamud, xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamanka Soomaaliya, saraakiil iyo mas’uuliyiin kale.

Muhiimadda kormeerka ayaa la xiriirtay ogaanshaha xaaladda maxaabiis Soomaliyeed oo ku xukuman Burcad-badeednimo, kuwaasi oo ku xiran xabsiga weyn ee Garowe.

Maxaabiista ku xiran xabsiga Garowe ayaa tiradooda lagu sheegay 48 ruux, waxaana laga soo wareejiyey dalal shisheeyo oo iyagu xukun ku riday, iyadoo lagu heshiiyey in xukunkooda ay ku dhameystaan xabsiyada deegaanada Puntland.

Abshir Bukhaari iyo masuuliyiintii kale oo kormeerkooda kaddib Warbaahinta kula hadlay gudaha xabsiga weyn ee Garowe ayaa yiri,

“Waa dadaalaynaa dowladdana waa ku warcelinaynaa, jawaab ayaana idinku soo celinaynaa, markii hore rajadaydu waxay ahayd inaa diyaaradda ila raacdaan, lakiin weli waxbaa dhiman heshiisyada caalamiga ahna lama burburin karo oo farsamooyin badan baa jira”.

“Waan u mahadcelinayaa maamulka Puntland iyo hey’addaheeda garsoorkaba, dadaal muuqda ayay mujiyeen, waan idiin soo jawaabaynaa, howshiinana waa usoo noqon doonnaa,” Ayuu yiri Guddoomiye Abshir Bukhaari.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Puntland Cawil Sheikh Xaamud oo isna hadlay ayaa sheegay in Puntland ay maxaabiistaas u dadaashay inta tabarteeda ah, muddana ay ka shaqeyneysay sidii loo siidayn lahaa maxaabiista Soomaaliyeed ee ku eedaysan burcad badeednimada wadamada shisheeyana ay xukumeen.

“Puntland waa dedaashay, haddana waa dadaalaynaa, laakiin xeerar aan laga gudbi karin baa jira oo aan rabno inaan la kaashano dowladda federaalka,” Ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda Puntland Cawil Sheikh.

Xeer ilaaliyaha Guud ee maamulka Puntland Maxamuud Xasan Aw-Cismaan ayaa dhankiisa sheegay in xukunka 48 eedaysanayaal oo loo heysto falal la xariira Burcad-badeednimo kuna xiran xabsiyada Puntland ay xaq-darro ku xiranyihiin

“Xukunku caddaaladd darro weeye dowladda federaalku ha u doodo maxaabiistaan, Puntland inta tabarteeda ah waa dadaashay, Baarlamaanku ha u doodeen dadkaan