Muwaaadin Soomaali-Maraykan Lagu Tuhunsan Yahay Argagixiso Oo La Xiray

0

Maxamed Cabdi oo 46-jir ah  ayaa waxaa bishii la soo dhafaay ee July 26-dii lagu qabtay magaalladda Nakuru oo  ah magaalladda 4-aad ee ugu weyn dalkaasi, waxayna  153 KM dhanka W/Glabeed ka xigtaa  caasimadda dalkaasi ee Nairobi.

Wargeyska The star, cadadkiisa maanta oo Sabti ayaa qoray in Eedeysanahaasi lagu tuhunsan yahay Argagixisenimo, isla markaana la soo taagay Maxkamadda magaalladda Eldoret ee  Galbeedka Kenya, isla markaana ah magaalladda 5-aad ee ugu weyn dalkaasi.

Sarkaal ka tirsan Ka-hortagga Argagixisadda ee Boliska dalakasi oo lagu magacaabo William Ndunde ayaa ka codsaday Maxkamadda inay u oggolaadaan inay Eedeysanaha sii hayaan muddo 7 cisho ah, si ay u soo dhamaystiraan baaritaanadda Dacwadda loo haysto.

Sarkaalkaasi waxa uu u sheegay Xeer-beegtida Maxkamadda inay Eedeysanaha qabteen xilli uu sawiro ka qaadanayey Maxkamadda sababo la xiriira suurto-galnimadda dhaqdhaqaaqyo Argagixiso oo ka dhaca Deegaanka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Garsooraha Maxkmaadahaasi oo lagu magacaabo S.Wewa waxa uu amray in Eedeysanaha xabsiga lagu sii hayo muddo 7 maalmood, inta laga soo dhamaystirayo Baariatanadda ay Boliska ku hayaan Kiiskiisa.

Garsoorha waxa kale oo uu amray in Eedeysanaha Baasaboorkiisa iyo Mobaylo uu watay laga qaado, inta laga so odhamasytirayo Baaritaanadda, lana soo gebagebaynayo dacwadiisa.

Qareenka difaacayey Maxamed Cabdi waxa uu Maxkamadda u sheegay inuu Eedeysanaha aad uga weyn yahay inuu ku  lug yeesho dhaqdhaqaaqyadda lagu tuhunsan yahay, isagoo intaasi ku daray in Eedeysanaha xaaskiisa iyo wiilkiisa u sheegeen in Sawirada uu qaadanayo loo micneyn karo xaallad khatar ku ah Boliska.

Garsooraha Guud ee Maxkamadda magaalladda Eldoret waxa uu ku dhawaaqay in  Muwaaadinka Soomaali-Maraykanka mar kale dacwadiisa la dhegeysan doono bishan August 8-da, mana kala cadda xukunka uu muteysan doono.