Al-shabaab oo Toogtay Nin Ay Sheegeen in uu Kufsaday Gabadhiisa

0

Al-shaabab ayaa Xukun Dil ahaa ku Fuliyay nin ay ku eedeeyeen in uu ahaa sixiroole,islamarkaana Kufsaday gabadhiisa.

Fagaare weyn oo kuyaal degmada Saakoow ee Gobolka Jubbada dhexe ayaa shalay gelinkii dambe xukun dil ah lagula fuliyay Ibraahim Macallin Cabdullaahi oo lagu heley in uu ahaa Saaxir.

Ninkan saaxirka ah ayaa maxkamadda ka hor qiray in uu sixirka ku shaqeysan jiray islamarkaana uu dhowr jeer kufsaday gabar uu dhalay.

Boqolaal dadweyne ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan Xarakadda Al-shabaab ayaa ka qeyb galay goobta lagu tooganayay ninka.

Xukuno sidaan oo kala ah ayay Shabaab ku fuliyeen dad ay ku eedeeyeen in ay kufsi ku kaceyn, iyo shaqsiyaad lagu eedeeyay basaasnimo.