Shil gaari oo ka dhacay Shabeellada Dhexe

0

Shil gaari ayaa saakay waxaa uu ka dhacay deegaan hoostaga degmada Warsheekh ee Gobalka Shabeellada Dhexe.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in Shilka uu ka dhacay deegaanka gumaroow oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Warsheekh, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shilka ayaa yimid kadib markii Gaari nooca xamuulka qaado oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday deegaanka Mesagawaay ee gobolka Galgaduud uu rogmaday xilli uu marayay Tuulada Gumaroow.

Inta la xaqiijiyay 2 hal ruux ayaa ku geeriyootay, halka 6 kalena ay dhaawacmeen shilka gaari ee ka dhacay deegaanka gumaroow oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Warsheekh ee Gobalka Shabeellada Dhexe.