Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo isu soo dhiibay Dowladda Soomaaliya

0

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa degaanka
Baar-sanguuni ee Gobolka Jubbada hoose waxa ay ku soo Bandhigeen horjooge,Xuseen Xasan Cambeer, oo horay ugu tirsanaa nabadiidka Al-shabaab.

Sidoo kale horjoogahan isa soo dhiibay ayaa Argagaixisada u qaabbilsanaa abaabulka waxa ay nabad diidku ugu yeeraan kooxda jugta culus.

Abaanduulaha guutadda 11-aad Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare, Ismaciil Sheekh Isxaaq ,ayaa  sheegay in Ninkani uu ahaa horjooge sare oo Al-Shabaab ah, isla Markaana ka dagaalami jiray Gobolka Shabeellada hoose.

Korneyl; Ismaaciil sheekh Isxaaq, ayaa sheegay in isa soo dhiibista horjooge Xuseen Xasan Cambeer, ay timid markii uu dagaal la galay Kooxo kale oo daacad u ahaa Nabad-diidka, taas oo u suurto gelisay in uu si nabad ah isu soo dhiibo.