AKHRISO:- Tanzania Oo Loo Xushay In Lagu Tababaro Khubarada Kalluumeysiga Ee Somalia

0

Hay’adda dalka Japan ugu qaabilsan Iskaashiga Caalamiga ee (JICA) ayaa sheegtay inay u xusheen dalka Tanzania in Khubarada Kalluumeysiga Somalia loo tababaro Hawlaha Jilaabashadad Kalluunka,Farsamada Suuq-geynta Kalluunka, Awoodda dhismaha qeybta Kalluumeysiga iyo guud ahaan ilaalinta Kheyraadka Badda.Tababarkaasi oo socon doona muddo 5 isbuuc waxa uu isbuucii hore ka furmay Xarunta Hay’adda Tanzania ugu qaabilsan Tababarka iyo W/barashadda Kuullmeysiga ee (FETA).

Madaxa Barashadda Xaywaanka ku nool Biyaha ee Hay’adda FETA ee magaalladda Bagamoyo, Emmanuel Nkukura oo shalay ka hadlay Carwada 43-aad ee Caalamiga ee ka socota caasimadda dalka Tanzaania ee Darasalaam waxa uu tilmaamay in Tababarkaasi lagu baran doono Farsamooyinka cusub ee Suuq-geynta Kalluunka iyo Wax-soo-saarkiisa, Maraynta Ururadda Kalluumaysiga iyo Tababaradda kale ee qeybta Kalluumeysiga.

Tababarkan Koorsadda Degdegga ee Khubarada Kalluumeysiga Somalia oo sare loogu qaadayo qeybta Kalluumeysiga Somalia waxaa ka qeyb qaadanaya 20-dhallinyaro ka timid Somalia, kuwaasi oo uu tababarkooda oo bilowday bishii hore e June 24-da uu socon doono muddo 5 isbuuc ah.

Sarkaalkaasi ka tirsan Hay’adda Tanzania ugu qaabilsan Tababarka iyo W/barashadda Kuullmeysiga ee (FETA)waxa uu xusay inay horey u tababareen Khubaro Kalluumeysi oo ka timid Somalia, kuwaasi oo tiradooda guud dhan tahay 78 qof.