SAWIRRO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Wakiilka Xoghayaha Guud QM ee Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb. Jemes Swan.

Guddoomiye Mursal iyo wakiilka ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka, doorashooyinka Qaranka iyo dardar gelinta shuruucda muhiimka u ah doorashooyinka.

Sidoo kale kulanka ayaa loogu hadlay xoojinta xiriirka wada shaqeynta xafiiska Qaramada Midoobay iyo golaha shacabka.

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb. Jemes Swan ayaa balan qaaday inuu halkeeda ka sii wadayo shaqada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Amb. Jemes Swan ugu hambalyeeyay xilka cusub ee loo soo magacaabay.

Waxa uu la wadaagay wakiilka cusub shaqooyinka horta binta leh ee horyaalla golaha shacabka iyo sida ay diyaarka ugu yihiin xoojinta wada shaqeynta labada dhinac.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska guddoomiyaha ee Villa Hargeysa ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) iyo xoghayaha guud ee golaha shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).