Akhriso:-Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyay xeer muhiim ah

0

Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, uuna goob joog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa todobaadkan looga hadlay Xaaladda Amniga, Ansixinta Xeerka Howlgabka Shaqaalaha Dowladda, Xaaladda degmada Caluula, Waddooyinkii go’ay, Amniga Garoomada iyo Warbixino kale.