AKHRISO:- Khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle

0

Khilaaf xooggan ayaa soo kala dhex galay guddoonka baarlamaanka Hirshabelle kadib markii guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed oo jooga magaalada Muqdisho uu fariin ugu direy xildhibaanada baarlamaanka in kuna sheegay in baarlamaanku uu xiran yahay,hase yeeshee waxaa ka soo horjeestey amarkaas guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Hirshabelle Canab Axmed Ciise.

Guddoomiye ku xigaanka Baarlamaanka Hirshabelle Canab Axmed Ciise oo shir jaraa’id ku qabatay gelinkii dambe ee Shalay magaalada Jowhar ayaa ku tilmaantay sharci darro amarka uu ku xirey guddoomiyaha baarlamaanka kalfadhiga Baarlamaanka.

“Waxaa la ii sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka oo jooga Xamar inuu xildhibaanada u soo direy fariin uu ku sheegayo in uu ku xirey baarlamaanka.”ayay tiri Marwo Canab Axmed Ciise.

“Haddii la xirayo baarlamaanka waa in qofka xiraya uu joogo golaha,qof ka maqan Hirshabelle iyo golaha baarlamaanka ma xiri karo baarlamaanka.”ayay sii raacisay Marwo Canab Axmed.

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Hirshabelle Canab Axmed Ciise ayaa ugu baaqday guddoomiyaha baarlamaanka inuu dib ugu soo laabto xarunta baarlamaanka Hirshabelle ee magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre ayaa ka maqan caasimada Hirshabelle dhowrkii bilood ee la soo dhaafay mana jirto kulan uu yeeshay baarlamaanka Hirshabelle muddo ka badan saddex bilood.

Halkan hoose ka daawo Shirka jaraa’id ee guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Hirshabelle Canab Axmed Ciise