Ciidamada Jubbaland oo miinooyin badan ka soo saaray duleedka Kismaayo

0

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada  Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada jubbaland ay miinooyin badan ka soo saareen wadooyin soo gala kismaayo.

Taliska Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa degaanka Cabdalla Biroole ee duleedka Kismaayo ku soo bandhigay Miinooyin  nooca dhulka lagu aaso oo ay sheegeen in la doonayay in la geliyo Wadada.

Saraakiisha Ciidanka Jubbaland oo ku sugnaa halka lagu soo bandhigayay Miinada, ayaa sheegay in Ciidanka Amniga ay ku guleeysteen iney fashiliyaan Miinada oo sida ay tilmaameen lala damacsanaa in Shacabka isticmaala Wadada xiriirisa Kismaayo iyo Cabdalla Biroole lagu dhibaateyn rabay.

Inta badan duleedka magaalada kismaayo ayaa waxa ka dhaca qaraxyo miinooyinka dhulka lagu aaso, kuwaasi oo lala eegto ciidamada maamulka jubboland xilliyada ay maryaan wadooyinka iyo sidoo kale gaadiidka shacabka ee ku safra wadooyinka deegaanada ka tirsan Jubbaland.