Akhriso:-Mareykanka oo sheegay in Iran ay miinooyin ku aastay Badda Imaraadka

0

Lataliyaha amniga Qaranka e Mareykanka John Bolton ayaa sheegay “in miinooyinka badda oo laga keenay Iran oo loo aaneeynayo dhaawaca gaaray Maraakiibta Saliida ee gacanka Cuman horraantii Bishaan.

Bolton ma uusan bixin wax caddeeyn ah oo taageeraya eedeeymihiisa.

Iran ayaa beenisay in ay ku lugleedahay weeradda ka dhacay xebta bari ee dalka Isu tagga imaaraadka Carabta 12kii Bishaan May. Weeradda waxaa ay waxyeelo kasoo gaartay Afar markab.

Hadalkaan ayaa imaanaya xilli ay kasii dareyso xiisadda u dhexeeysa Mareykanka iyo Iran.

Jimcihi lasoo dhaafay ayaa Sarkaal ka girsan Ciidanka Badda ee Mareykanka oo lagu magacaabo Michael Gilday waxaa uu sheegay in uu aad ugu kalssoonyahay in weerarka ay ogyihiin Hogaanka ugu sareeya Iran.