Baaritaano xalay laga sameeyay Degmada Waabari

0

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa xalay waxay baaritaano ka sameeyeen xaafadaha degmada Waaberi ee Gobalka Banaadir.

Baaritaanka ayaa waxaa si gaar ah kaga dhacay Xaafadaha degmada Waabari, sida ay goobjoogayaal u sheegeen warbaahinta

Howlgalkaasi ayaa la sheegay in dad badan lagu soo qabtay Baaritaankii xalay ay ciidamada Booliska ka sameeyeen degmada Waaberi ee Gobalka Banaadir.

Dhanka kale ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Waabari iyo Taliska Booliska Soomaaliya, iyadoo maalmihii dambe ciidamada Booliska Soomaaliya baaritaano ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka Gobalka Banaadir.